Poetical Quill Souls

Poetical Quill Souls

This blog contains a collection of renowned and young authors from around the world poems in the languages in which they were originally written. Each file includes author’s photo or portrait and brief biography. We offer news and announcements of interest to professional and amateur writers (writing competitions, poetry press, etc) too.

Este blog recoge una selección de poemas de reputados autores y jóvenes promesas de todo el mundo en las lenguas en las que fueron escritos originalmente. Se incluye en cada ficha una breve reseña biográfica del autor y fotos o cuadros de éste. Se complementa el grueso del material con datos de interés para escritores profesionales o aficionados a la literatura (como información sobre certámenes literarios, editoriales dedicadas a la poesía, etc).
Mostrando entradas con la etiqueta Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye'. Mostrar todas las entradas
Mostrando entradas con la etiqueta Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye'. Mostrar todas las entradas

Maxamed Xaashi Dhamac 'Gaarriye'


Fad Galbeed

Gabbal-dhaca cadceed-yahay
U sii faano-guratee
Casar gaaban liiqii
Godka weeraraysaa!
Go'e fuley miyaad tahay?
Waa maxay garmaamadu?

Ma googooska sagalkiyo
Gamasyada shucaacaa
Gaade kaa horreeyiyo
Gurigaad ku hoyan layd
War ku gubay ka soo direy?

Mise gabadhan dhoolkiyo
Gu'goo shaalka xaytiyo
Fad galbeed la moodaa
Kolkaad gelin is-dhugateen
Guluubkaagii shiikhoo
Dib-u guradku waa baqe?


Mise ganac-jabkaagiyo
Waxaad galabta mudataad
Intay goori goor tahay
Dayax soo lug-gu'i laa
Sii war-geli is-leedahay?

Gedgeddoonka hirarkee
Iyagoo garaaro leh
Gaatin-socodka laafyaha
Xarragada u gaarka ah
Goonyahaaga tiiciyo
Gaardiga daruuraha
Kugu gaaf-wareegee
Gumucaad ridaysiyo
Goolli-baadh fallaadhaha
Shafka kaga garaacdee
Isu rogay guduudkee

Dhiiggooda gobo'liyo
Giirgiirka caadka leh
Ku sibbaaqday guudkiyo

Gara-saar-dabtoodii
Maxaa maanta gaasirey?
Miyay kugu giriifeen?

Mise waxay ka giigeen
Gobaad haybaddeediyo
Gantaalaha jacaylkiyo
Kalgacaylka beereey
Indhaheedu ganayaan?

Afartaa siddiri-gam
Waxaan gocanayaa weli

Tiiyoo gareyskiyo
Marta debec u gunuddoo
Guranaysa hoobaan
Oo aan geyaankeed
Geesaha ka filanayn
Dabayshii gadoodee
Uurkayga garatee
Gaadmada ku qaaddee
Gosha iyo horaadkiyo
Gaaddada u faydiyo
Garba-duubka maraday
Durba "geb" isku siisiyo
Gabbashada xishoodka ah
Gorodday lulaysiyo
Ugubnimo-gandoodkii.


Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye" (Hargeysa, Somalia, 1949). Licenciado en Biología por la Universidad Nacional Somalí. Profesor en la misma universidad. Poeta.